Kulanka Baarlamaanka oo Kooram la’aan u baaqday.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxaa maanta baaqday Kulan lagu waday in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ugu wacan in uu baaqdo Kooramka oo aan dhameystirmin sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay  ayaa waxaa soo ifbaxayay guux ku aadan Mooshin ka dhan ah Guddoonka sare ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in Xildhibaanada qaar ay wadaan abaabulkeeda.

Xildhiabanada ka soo horjeeda Guddoomiye Jawaari ayaa ku andacoonaya in uu faraha la galay Arrimaha Magacaabista Xukuumadda Cusub , islamarkaana uu dayacay howlihii loo igmaday.

Lama shaacin sababta ka dambeysay Kooram la’aanta Kulanka Baarlamaanka , waxaana Baarlamaanka weli ay ku dhur sugayaan Magacaabista Golaha Wasiirada oo dhawaan la filayo si Codkooda Kalsoonida loogu weydiiyo.

Masuuliyiin ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhawaan ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu si deg deg ah u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada Maadaama Xildhibaanadu doonayaan in Abaaraha ay dadkooda kula soo qeybsadaan deegaanada ay ka soo jeedaan oo qaarkood xaalado daran oo abaaruhu ugu wacan yihiin laga soo sheegayo.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo