Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

0

Nairobi ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay uu booqasho ku tago Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Khamiista soo socota uu u ambabaxoDalka Kenya, sida uu shaaciyay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Kenya.

Afhayeenka ayaa waxuu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb gali doono Shir Urur Goboleedka IGAD ay ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi.

Shirka IGAD ayaa halkaasi waxaa lagu qaban doonaa Sabtida soo socota, isagoona looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkaasi Kenya.

Madaxda Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale arimo badan ka wada hadli doona inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo