Madaxweyne Shariif Xasan oo lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago loogu talagalay Dadkii ay saameeyeen abaaraha

0

Baydhabo (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan kulamo kala duwan oo looga hadlo mooshinka looga soo horjeedo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaano dheeraad ah ayaa ku biiray mooshinka la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Macalin Barre oo ka mid ah Mudaneeyasha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ishortaag ku sameeyay kalafadhiga Baarlamaanka.

Xildhibaan Barre ayaa xusay in ujeedka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ishoraaga ugu sameeyay kalfadhiga ay tahay baqdin ku aadan in Madaxweynaha uu xilkiisa ku waayo mooshinka ay wadaan Xildhibaanada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Mudane Barre waxuu ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xasan uu doonayo in mooshinkaasi uu ku furfuro lacag dhan boqol kun oo doolar oo loogu dhiibay Dadkii ay saameeyeen abaaraha ka jira Degaanada uu ka arimiyo Maamulkaasi.

Sikastaba, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo