Midowga Africa oo lacago ugu deeqay Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

0

Addis-ababa ( Sh.M.Network)-Ururka Midowga Afrika ayaa waxuu sheegay in Kumanaan doollar ay ugu deeqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha xoogan ee ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, ,” Moussa Faki Mahamat ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in dhaqaalahan lagula diriri macluusha ka jirta Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Midowga Afrika xiligan ay garab taagan tahay Xukuumadda Soomaaliya.

Waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in taageero kala duwan la siiyo Dowladda Soomaalia, si looga hortago abaaraha saameynta ku yeeshay malaayiinka Ruux.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa waxuu shaaca ka qaaday in abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ay u muuqdaa kuwa aad u daran, islamarkaana muhiim ay tahay in laga wada qeyb qaato si looga hortago saameyn kale oo ka dhalata abaarahaasi.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo