Oday Isku dal dalay Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wararka laga helayo Xaafadda Kaawo Godeey ee degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo warramaya in Oday 60 jir ahaa oo lagu Magacaabi jiray Canshuur Cali Xasan uu Barqanimadii maanta isku dal dalay Xaafadaasi.

Marxuumka ayaa wararka waxa ay sheegayaan in Madaxa looga jiray sida laga soo xigtay qaar ka mid ah Ehelladiisa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Geed Qurac ah uu Xariga Qoorta isaga xiray sidaasina uu ku Geeriyooday.

Arrintaan ayaa si weyn waxaa looga hadal haayaa Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

 

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo