Qaramada Midoobay oo ku baaqday in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo weerarkii lagu laayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen

0

Nairobi ( Sh.M.Network)-Hay’adda UNHCR oo arimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa marka hore cambaareysay Duqeyn diyaaradeed oo khamiistii la soo dhaafay lagu beegsaday Qaxooti Soomaaliyeed oo la socday dooni mareysay Xeebaha Al Xudeydah ee Dalka Yemen.

Madaxda Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi ayaa waxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkii lagu beegsaday doonidaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 42 Ruux oo Soomaali ah.

Waxuu ku baaqay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo Weerarkaasi iyo cidda mas’uulka ka ah, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay in su’aallo la iska weydiiyo Duqeyntaasi.

Filippo Grandi ayaa sidoo kale ka dalbday dhinacyada isku haya Dalka Yemen in khudooda looga baahan yahay in ay baaritaan ku sameeyeen weerarkaasi si loo ogaado cidda mas’uulka ka ah.

Hadalka UNHCR ayaa waxuu imaanayaa xili Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay beeniyeen in ay ka dambeeyeen weerarkaasi kadib markii uu ku eedeeyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo