Qaraxyo xoogan oo laga maqlay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)—Waxaa goordhow Qaraxyo xoogan laga maqlay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa bambaanooyin ku weeraray Ciidamo ku sugan nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo halkaasi kadib markii ay dhacee Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxey ku weerareen Xarunta Waaxda Halgan ee Degmada Dayniile.

Weli lama oga hadii uu ka dhashay khasaaro Qaraxyadan iyo iska horimaad la sheegay in halkaasi uu ku dhexmaray labada dhinac.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo