Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday Ansixinta Golihiisa Wasiirada

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo u warramayay Warbaahinta ayaa sheegay in Xubnaha Xukuumaddiisa si dhab ah loola xisaabtami doono lana hubin doono hantida ay gaarka u leeyihiin iyo midda guud.

Waxaana uu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in Codkooda Kalsoonida ay siiyaan Golihiisa Xukuumadda.

“ waxaana idinka Rajeynayaa in aad meel marin doontaan Golaha Xukuumadda aan soo Magacaabay oo aan ku kalsnoonahay wax qabadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir , 26 Wasiir ku xigeen iyo 15 Wasiiru Dowl iyo Weliba Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo