Siyaasiga Axmed Ducaale Geelle Xaaf ” Go’aan ka gaarista Doorashada Madaxweyne ee Galmudug Baarlamaanka Maamulkaas ayey quseysaa”.

0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Iyadoo dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu soo saaray War Qoraal ah oo uu kaga dalbanayo Baarlamaanka Galmudug in ay dib u dhigaan Doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Siyaasiga  Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ah Musharrax u taagan doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

Waxaana Mr Xaaf uu xusay in arrintaan ay quseyso Baarlamaanka Galmudug go’aan ka gaaristeeda balse aysan xaq u lahayn in dowladda Dhexe ay soo fara geliso sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Siyaasiga Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo haatanna ka mid ah Musharrixiinta u taagan Doorashada Madaxweyne ee Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  uu soo saaray qoraal uu uga dalbanayo Baarlamaanka Galmudug in 45 Cisho dib loo dhigo doorashadaasi.

Arrintaas oo loo sababeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya lagu guda jiro.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo