Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Kenya

0

Afhayeenka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu khamiista soo aadan Booqashi rasmi ah ku tagi doono Magaalada Nairobi, islamarkaana uu kulan gaar ah la qaadan doono dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Afhayeenka ayaa shaaciyay in Waxyaabaha ay kawada hadli doonaan Uhuru iyo Farmaajo ay kamid noqon doonaan dhamaytirka heshiiska dhinac socdaalka, gaar ahaan duulimaaydyada diyaaradaha iyo maamulka xuduuda labada dalka.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Kenya in Labada Madaxweyne ka hadli doonaan dhisamaha derbiga dheer ay Kenya ka dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia.

Uhuru ayaa la saxiixan doono Farmaajo inta uu joogo Nairobi Heshiis wada-shaqeyn ah oo dhanka ciidamo Booliska labada dalka, iyo tababarka ciidanka Booliska dalka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtida soo socoto ka qeybgali doono Shir Madaxeedka IGAD, ee ka dhacay magaalada Nairobi, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimaha qaxootiga, aminiga iyo abaaraha ka jira Geeska Africa.

Kenya ayaa ka joogo Somalia Ciidamo lagu qiyaasay 5,000 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo mudo 10 sano ka socdo dalka Soomaaliya.

Uhuru iyo Farmajo waxay kaloo isla-soo qaadi doonaan arinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Somalia, oo la filayo inay billaabato sanadka 2018-ka.

Kenya ayaa doonayso in Somalia loo diyaariyo ciidan xoog badan, oo qalabaysan kuwaasi oo awooda inay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyada amniga dalkooda wixii ka dambeeyo 2018.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo