Ururka NUSOJ: Hala soo xiro Askartii ka dambeysay falkii uu ku dhaawacmay Wariye Mahad

0

Muqdisho (Sh M Network)—Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay gacanta lagu soo dhigo Askartii ka dambeysay dhaawaca Wariye Mahad Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Shaqaalaha Shabelle.

Wariye Mahad ayaa dhaawacmay kadib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay israsaaseyn ku dhexmartay Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa ka dhaawacmay gacanta bidix iyo dhabarka, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa Isbitaalka Madina.

Bayaan ka soo baxay Ururka NUSOJ ayaa lagu xusay in Wariyaha uu wareysi ka qaadayay Guddoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahin iyo Dad barakacayaal ah oo ku sugan nawaaxiga Isgooyska Tarbuunka.

“Ciidamada Dowladda xitaa waxey khatar gelinayaa nolosha Suxufiyiinta. Xukuumadda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in talaabo ay ka qaado Askartii ka dambeysay falkii uu ku dhaawacmay Wariye Mahad”, sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Ururka NOSUJ, Cumar Faaruuq Cismaan.

Xoghaye Cumar Faaruuq Cismaan ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo Askartaasi, islamarkaana talaabo sharci ah laga qaado, maadaama buu yiri ay ka dambeeyeen falkii uu ku dhaawacmay Wariye Mahad Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Shabelle.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo