Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta loo Magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dad wax badan ka yaqaan ay sheegeen in uu yahay Nin ka soo bixi karo sugida Nabad gelyada Dalka.

Col Cabdinuur Jaamac Jokar oo ka mid ahaa Saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladdii dhexe ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya  uu yahay mid wax ka qaban kara Xaaladda Amni darro ee ka jirta Guud ahaan Geyiga Soomaaliya.

“ haddii uu helo Xuquuqda Ciidamada Ammaanka, Ciidamadiisa isku duwo , Wasaaradda Cadaaladuna sidii loogu tala galay u fuliso Xeer ciqaabta qofkii dambi lagu helo wuu ka soo bixi karaa Wasiirka Amniga Gudaha loo Magacaabay Maxamed Abuukar Islow” ayuu yiri Col Cabdinuur Jaamac Jookar.

Si kastaba Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa la tilamamayaa in waqtigii ugu habooneed loo Magacaabay xilkaan islamarkaana xaaladda Amni ee dayacan uu wax badan ka qaban karo sida ay tilmaameen dad badan oo wax ka yaqaanno.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here