Garbahaareey ( Sh.M.Network)-Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Daarusalaam oo u dhexeeya degmooyinka Garbahaareey iyo Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Abaar ba’an ay ka jirto deegaankaasi.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay le’anayaan Xoolaha ayna halis ugu jiraan Dadka ku nool deegaankaasi.

Sidoo kale waxa u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay ay ku le’deen halkaas xoolo fara badan, waxaan uu ugu baaqay qeybaha Bulsho weynta Soomaaliyeed in Kaalmo Samafal ay la soo gaaraan.

Xaalado Abaaro aad u daran ayaa waxa ay ka taagan yihiin qeybo badan oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya waxana ay sababeen abaaruhu xaalado Beni’aadanimo oo qeylo dhaan ay ka muujinayaan bulshado ku nool deegaanada Abaaruhu halakeeyeen.

Qaramada Midoobay ayaa Warbixin dhawaan ay soo saartay ku shaacisay in illaa 13 Gobol oo Soomaaliya ka tirsan ay Abaaruhu saameeyeen.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here