Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Xafiisyada Maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta gebi ahaan irdaha la isugu dhuftay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulkaas oo ka gadoodsan Mushaar la’aan ay amar ku siiyeen  in aysan furin Xafiisyadaasi.

Ciidamadaan ayaa sheegay in aysan Bilooyin wax Mushaaraad ah qaadan islamarkaana aanu Puntland siin Xuquuqdii ay ku lahaayeen sidaas daraadeed aysan ka shaqeyn Karin Maamulkeeda Magaalada Gaalkacyo sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaana Ciidamadaan lagu arkayaa Waddooyinka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyagoo wata Gaadiidka Dagaalka ee Gaashaaman.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay ka gaabsadeen In wax Faah faahin ah ay ka bixiyaan arrintaan.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here