Washington (Sh M Network)–Congress-ka Mareykanka, gaar ahaan Guddiga Arimaha Dibadda ee u xilsaaran Afrika ayaa kulan gaar ah ka yeelan doono wax ka qabashada abaaraha xoogan ee ku dhuftay Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Karen Bass (D-Calif.) oo ka mid ah Xubnaha Gongress-ka Mareykanka ayaa sheegtay markii Xildhibaanada ay soo laabtaan in ay ka wada hadli doonaan sidii looga qeyb qaadan la ahaa ka hortaga abaaraha.

Waxaa ay sheegtay in muhiim ay tahay ka hortaga abaaraha, iyo caawinta malaayiinka Ruux ee saameynta ay ku yeesheen.

Mareykanka waxaa laga doonayaa in markan uu u istaago caawinta dadka u dhimanaya macluusha”, sidaasi waxaa tiri Karen Bass.

Ugu dambeyn, waxey sheegtay in loo baahan yahay in la ciribtiro abaaraha maadaama Sanadii 2011-kii Dalka Soomaaliya ay ku gaaji iyo macluul ugu dhinteen qiyaas ahaan 200 oo kun oo Ruux.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here