Jowhar ( Sh.M.Network)-Diyaaradaha Qaadka keeni jiray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho , ayaa maanta intooda badan maanta waxa ay ka dageen Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ganacsatada Qaadka iibisa ayaana u weeciyay Diyaaradaha Qaadka keeni jiray Muqdisho Magaalada Jowhar kadib markii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay Canshuuro dheeraad ah ku soo rogeen.

Sidaas daraadeed Todobo sano kadib Magaalada Muqdisho ayaa maanta Qaadka waxaa keenaya Gaadiid ka soo daabulaya Magaalada Jowhar, xilli Todobo sano ka hor sidaan oo kale Muqdisho Qaadka looga keeni jiray deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaadka  ayaa ah Mandooriye ay Ganacsi ahaan Soomaaliya ugu soo dhoofiso Kenya .

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here