Golaha Wasiirada kulankoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga , ka hortagga Qorshaha Musuqmaasuqa, Joogteynta Xuquuqaha Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada iyo Warbixin laga dhageystay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamadii ka howlgali lahaa Gobolka Shabeelaha Dhexe dhawaan   oo isugu jira Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa la hor geeyay qorshaha  ka hortagga Musuqmaasuqa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

GolahaWasiirada ayaa ballan qaaday in si joogta ah loo bixin doono Xuquuqaha Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada.

Engineer Cabdiraxmaan Cumar Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta uga warbixiyay arrimahaasi ay maanta isla soo qaadeen Xubnaha Golaha Wasiirada.

Inta uu socday Kulanka ayaa waxaa Warbixin laga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye taas oo ka warbixisay booqasho dhawaan uu ku yimid Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Africa Axmed Axmed.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo