Dubai ( Sh.M.Network)-Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamka ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Weerarada Soomaaliya aysan marnaba joojin doonin dadaallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Wasarada Arimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Qarax lagu beegsan rabay Kolonyo ay la socdeen Xubno ka tirsan Hay’adda Bisha Case ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa ay tilmaameen in Gaarigaasi uu marayay Duleedka Magaalada Muqdisho, markii uu Qaraxa dhacayay.

Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka ayaa qeexday in ay sii wadayaan taageerida Dowladda Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen xiligan loo baahan yahay in caawiyo Dadkii ay saameeyeen abaaraha Dalka.

Sikastaba, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqday in la xoojiyo dadaallada looga hortgayo abaaraha xoogan ee ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliy.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here