Kooxo hubeysan oo Askar ku Dilay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)–Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya in lagu Dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay Askar xiran dharka militariga Soomaaliya oo la socday Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Hoomeey ay lagu toogtay Suuqa Bakaaraha.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Dableydii ka dambeysay Dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay Dilal qorsheysan oo qaarkood lagu beegsaday Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo