Kuuriyada Koonfureed oo Ciidamo usoo dirayso Somalia

0

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay inay ciidamo iyo maraakiib dagaal usoo dirayso xeebaha dalka Somalia, ay ula dagaalamaan kooxaha burcad-badeeda.

Wakaalada Wararka dalkaasi Yonhap ayaa sheegtay in Labo markab oo kuwa wax burburya ah iyo askar gaaraya 350 ay kusoo wajahan yihiin biyaha dalka Somalia, waxaana ay ku biiri doonaan howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad badeeda (Atlant).

Ciidamada dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka qeyb-qaadanaysay howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda Somalia tan iyo sanadkii 2009.

Howlgalka Atlanta oo socda mudo 9 sano ah ayaan laga gaarin guulo la taaban karo maadaama wali burbad baceeda ay afduubayaan maraakiibta ganacsiga ee mara xeebaha dalka Somalia

Bishii lasoo dhaafay Burcad badeeda ayaa afduub uu geestay laboo markab iyo dhowr doon, iyo shaqaale ajnabi ah oo la socda.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo