Labo Ruux oo lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)–Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa Caawa labo Ruux waxey ku Dileen Duleedka Magaalada Muqdisho.

Labadan qof oo isla socday ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahin Maxamed iyo Xasan Cabdi, waxaana Marxuum Ibraahin Maxamed uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in dilka labadan qof uu ka dhacay Taleebaha Sheekh Ibraahin ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.

“Waxaan mar qura maqalnay rasaas xoogan balse markii ay istaagtay ayaa waxaan aragnay meydka labo Ruux, kuwaasi oo loo qaaday Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkeenleey”, sidaasi waxaa yiri Goobjoogaha.

Meydka labada qof ee la dilay ayaa sidoo kale loo so qaaday Xarunta Dambi Baarista ee CID-da, waxaana markii halkaasi la geeyay la ogaaday Ibraahin Maxamed uu ka mid ahaa Ergadii Maamulka Koonfur Galbeed.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkii ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dilalka loo geysanayo Ergadii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxey siyaabo kala duwan uga dhaceen Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo