Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Magaalada Jowhar oo Xiisad ay ka jirto

0

Buuloburte ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Maamulka Hirsahbelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta gaaray Magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka uu halkaas u gaaray Madaxweynaha Hirshabelle ay daba socoto xiisad ka dhalatay Askari Jabuutiyaan ah oo lagu dilay Magaaladaasi.

Askariga la dilay ayaa la sheegay in Haweeney ka ganacsata Qaadka uu Shalay ku dharbaaxsheeyay Magaaladaasi Buuloburte, iyadoo waxyar kadib Meydka Askarigaasi lagu arkay isla Magaalada Buuloburte.

Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dambeeyay Dilka Askarigaasi Jabuutiyaanka ahaa ee ka mid ah AMISOM.

Ilo ku sugan Magaalada Buuloburte ayaa soo warinaya in Madaxwweynaha Maamulka Hirshabelle uu haatan shir kula leeyahay Magaaladaasi Saraakiisha Ammaanka iyo kuwa Ciidamada Jabuuti.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo