Mareykanka: Ma kordhin doono howlgallada ka socda Dalka Soomaaliya

0

Washington (Sh M Network)–Madaxa howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Mareykanka uusan kordhin doonin howlgallada ka socdo Dalka Soomaaliya.

Thomas David “Tom” Waldhauser, Taliyaha Taliska AFRICOM, ayaa waxuu sheegay in Ciidamada dhaareed ka ah ee imaanaya gudaha Soomaaliya ay noqon doonaan kuwa taageero siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxuu qeexay in Ciidamadaasi ay dhanka tababarada ka taageeri doonaan Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo wada Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in Taliska Mareykanka la siiyay amar yar oo ku aadan in an fulin karaa Weerarada dhanka ah Al Shabaab.

Sikastaba, Mareykanka ayaa marar qaar weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al Shabaab waxaa Diyaaradahiisu ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Koonfurta Dalka Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo