Muqdisho (Sh M Network)–Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxuu ka sheegay in Ciidamada AMISOM ay bixi doonaan 2020.

Danjiraha Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan in amaanka guud ee Dalka ay ku wareejiyaan Ciidamada huwanta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Francisco Madeira waxuu tilmaamay in muddo hal sanno ah ay ku qaadan doonto in Ciidamada AMISOM ay ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Ka bixitaanka ayaa waxuu ku sheegay in uu bilaaban doono markii la gaaro Sanadd 2020, islamarkaana amaanka guud ee Dalka lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa qeexay in Soomaaliya ay Soomaali leedahay, islamarkaana Ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin gudaha Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here