Jowhar (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Duleedka Magaaladaasi ku Dilay Xaaskiisa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Degaanka Tugaareey Duleedka Degmada Jowhar, kadib markii Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Isaaq Xasan iyo Xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran, Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Weli lama sheegin hadii Ninkan uu ka tirsan yahay Ciidamada Maamulka Hirshabelle.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here