Boosaaso ( Sh. M. Network)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Cameey ayaa ku eedeeyay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Soomaaliya wax qabad la’aan.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland in shaqsiyaadka hay’adahaasi ay u soo wakiilatay Soomaaliya aysan wax dan ah ka lahayn dadka xaaladaha Nololeed ay ku heystaan deegaanada kala duwan ee dalka sida Puntland.

“ Hoteelada bey  iska galaan, wax dheg jalaq ah uma siiyaan dadka loo soo diray in ay kaalmada u fidayaan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Cameey.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya iyadoo abaaro daran ay xilligaan ka jiraan inta badan Gobollada Dalka Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here