Qoryooleey (Sh M Network)–Wararka laga helayo Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla Degmada Qoryooleey.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo lagu diyaariyay maqaaxida ayaa sida la sheegay qarxay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, sida Goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Waxaa uu sheegay in Qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 Ruux oo isugu jira Askar iyo Shacab.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ayaa laga cabsi qabaa in uu kordho.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Kala soco www.shabellenews.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here