Ra’iisul Wasaare Kheyre oo lagu amaanay hanaanka uu kula Xisaabtamayo Wasaaradaha Xukuumaddiisa.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Dr Cabdiraxmaan Daqarre oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku amaanay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre sida uu ula Xisaabtamayo Wasaaradaha Xukuumaddiisa iyo howlaha hufan ee ka bilowday Xafiisyada Dowladda Soomaaliya.

Waxanaa Dr Cabdiraxmaan Daqarre uu hoosta ka xariiqay in  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u muuqdaan kuwa ka dhabeeyay ballanqaadyadoodii ku aadanaa in ay ka hortagi doonaan Musuqmaasuqa islamarkaana ay la xisaabtamayaan Hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Xasan Cali Kheyre ayaa maalmihii dambe Kormeer ku kala bixinayay Xafiisyada Wasaaradaha Xukuumaddiisa si uu ugu kuur galo adeega Qaran  ee ay Wasaaraduhu u hayaan Bulsho weynta Soomaaliyeed.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo