Baraawe ( Sh. M. Network)-Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadana ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo loo asteeyay Xarunta Rasmiga ah ee maamulkaas oo haatan si KMG ah ugu shaqeeya Magaalada Baydhabo.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa durba soo indha indheeyay markii uu gaaray Magaalada Baraawe Dekedda Magaaladaasi.

Xildhibaan Amiin Faarax oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo Shabelle ay wax ka weydiisay u jeedka Safarka Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Magaalada Baraawe ayaa waxa uu xaqiijiyay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu heshiis  kala gaari rabo howlaha Dekedda Baraawe iyo maamulkeeda Shirkad laga leeyahay Dalka Australia.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa iyadoo weli Baarlamaanka ay ka baaraan dagayaan heshiiskii Maamulka Soomaaliland uu kala gaaray Isutagga Imaaraatka Carabta Saldhiga ay dowladdaasi ka sameysaneyso Magaalada Barbara.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here