Muqdisho (Sh M Network)–Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Janaraal Cismaan Nuur Subagle ayaa waxyy sheegay in Ciidamada AMISOM ay dhibaatooyin xoogan ka marayaan Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliye Subagle ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ay ku adagtahay in ay ka adkaadaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Sirdoon hormarsan in loo aqoonsado Xubnaha ka tirsan Al Shabaab, islamarkaana loo beegsado.

Taliyaha ayaa cod-dheer ku sheegay in wiiqida Al Shabaab aysan waqti badan qaadan doonin hadii la halo buu yiri Sirdoonka aan dalbaneyno.

Ugu dambeyn, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo taageero u ah kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxey ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here