Afgooye ( Sh.M.Network)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax Miino halkaas lagula eegtay Kolonyo Ciidamo ka tirsan AMISOM ay la socdeen.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa la sheegay in uu geystay Khasaarooyin kala duwan walow aan la cayimin.

Kolonyada la weeraray oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku soo jeeday Saldhigyo kale oo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wixii faah faahin ah ee ku soo kordha kala soco Shabellenews.com

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here