Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Sh M Network)—Ku dhawaad 40 goobood oo Ganacs oo u badnaa goobo lagu tollo dharka ayaa Xalay ku basbeelay Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa lagu sheegay in uu ka dhashay koronto, sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah Ilaalada Suuqa Bakaaraha.

Daminta dabkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatay qaar ka mid ah Gaadiidka Dab damiska oo ay leeyihiin Sharkada Isgaarsiinta Hormuud iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Ganacsatada hantidooda ku waayay dabkaasi ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyay khasaaraha ka dhashay dabkaasi, waxaana uu muujiyay in ay qabaan tuhuno kala duwan.

Dhinaca kale, Dab khasaaro hantiyadeed iyo mid nafeedba dhaliyay ayaa Xalay waxuu ka kacay Xaafado ku yaalla nawaaxiga Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaasi ayaa Dadkii ku dhintay ka mid ah 50 jir ah lagu magacaabi jiray Aadan, waxaana la tilmaamay in dabkaasi kicidiisa uu ka dambeeyay kadib markii nin lagu magacaabo Siidoow uu dab qabadsiiyay Guriga Marxuum Aadan oo qaraabo dhow ay yihiin Marxuumka, sidaasi waxaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay qof Degaanka ah.

Xaaska Marxuum Aadan oo qiiro ay ka muuqato ayaa sheegtay in dabka gaurigeeda uu qabadsiiyay Siidoow, kadib murun soo kala dhex galay Seygeeda iyo Siidoow.

Dhawaan ayee aheyd markii dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyadeed uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo