Dubai ( Sh.M.Network)-Hay’adda WFP oo Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in gargaar bini’adannimo ay soo gaarsiineyso Dadkii ay saameeyeen abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Hay’addan ay ku leedahay Magaalada Dubai, ayaa sheegay in gargaar dhan 47 tan ay keeni doonaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hay’addan ayaa qeexday in loo baahan yahay lacag dhan 272 milyan oo doolar, taasi oo wax looga qabanayo abaaraha sameeyay malaayiinka Ruux ee Soomaalid ah.

Tan iyo bishii March, 100 kun oo Ruux oo soo barakacay ayaa gaaray Degaano dhaca Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyo sidoo kale Duleedka Muqdisho.

Ugu dambeyn, Hay’adda WFP ayaa shaacisay in Xaalada Soomaaliya ay ka sii dareyso, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado talaabooyin wax looga qabanayo Abaaraha Soomaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here