Leego (Sh M Network)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku garaaceen Xaafado ka tirsan Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Madaafiicdan qaarkood ayaa ku hoobtay Xaafada ay ku sugan yihiin Dad Shacab ah waxaana la sheegayaa in uu geystay khasaaro u badan dhaawac.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegaya in 12 Ruux ay ku dhaawacmeen Duqeynta ay geysteen Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM.

Dhaawacyada qaarkood ayaa sida la tilmaamayo waxaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan Duqeyntaasi ay fuliyeen Ciidamadooda.

 

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here