Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Sh M Network)–Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhimatay, 5 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib Dagaal labo maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray Magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatuma, Maxamud Sheekh Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Dagaalkaasi labo Ruux ay ku dhinteen islamarkaana ay shan kale ku dhaawacmeen.

Guddoomiye Cumar ayaa ku eedeeyay Dagaalkaasi in ay mas’uul ka yihiin Maamulka Soomaaliland.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Soomaaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ee ah in ay ka dambeeyaan Dagaalkaasi.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo