Dhaxal Sugaha Sacuudi Arabia oo sheegay in Deeq Afurin ah oo la soo gaarayo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

0

Riyadh ( Sh.M.Network)-Dhaxal Sugaha Sacuudi Arabia Amiir Maxamed Bin Nayif Bin Cabdicasiis  ayaa sheegay in Deeq uu ugu tala galay in Bisha Ramadaan ay Kabto uu gaarsiinayo Dadka ay abaaraha ku saameeyeen Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Amiir Maxamed Bin Nayif in Dowladda Sacuudiga ay garab taagan tahay Walaalaheeda Soomaaliyeed islamarkaana had iyo goor ay kala qeyb qaadan doonaan daruufaha adag waqtiyada wajahayaan ayna gaarsiinayaan Kaalmooyin.

Tallaabadaas ayuu sheegay in ay uga golleeyihiin sidii Dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Nolol wanaagsan.

Ugu dambeyn ayuu shaaca ka qaaday Amiir Maxamed Bin Nayif Dhaxal Sugaha Sacuudi Arabia in 6-dii sano ee u dambeysay ay kaalmooyin Mug leh gaarsiiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo