Baladxaawo ( Sh.M.Network)-Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Howlgalladaas ayaa la sheegay in ay Oga Golleeyihiin Xaqiijinta Amniga Magaalada Baladxaawo islamarkaana baadi ay uga jiraan Rag xalay Bam Gacmee ku weeraray Guri uu degan yahay Masuul lagu Magacaabo Buulle Qaloocow oo ka tirsan Maamulka degmada Baladxaawo.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 dhalinyaro ah ayaa lagu soo qab qabtay Howlgalladaasi ay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaan degmada Baladxaawo.

Maamulka degmada Baladxaawo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dadkaasi ay gacanta ku soo dhigeen.

Xalay ayey ahayd markii weerar Bam Gacmeed loo adeegsaday uu ka dhacay Guri ku yaalla Bartamaha Magaalada Baladxaawo oo uu degenyahay mid ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka degmadaasi Baladxaawo.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here