Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxaa maanta loo fariisanayaa Imtixaanaadka  Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee Ardayda Shahaadiga ah oo sanadkaan ka qalin Jabineysa Dugsiyada Sare ee Dalka.

Inkabadan 70 Goobood oo Muqdisho iyo Gobollada Dalka ku kala yaalla ayaa Imtixaanaadkaasi lagu kala qaadi doonaa.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa dooneysa in ay Mideyso Imtixaanada Dugsiga Sare ee Ardayda Soomaaliyeed.

Waxaana Imtixaanadkaasi laga qaadayo Ardayo oo socon doono muddo 5 cisho ah soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

23 kun oo Arday ayaa Saaka u Fadhiisan Doona Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2016/2017. Taasoo ay Qaadeyso Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Ilaa 77 Xarumood ayaa Imtixaanka Lagu Qaadayaa Sanadkan..

Goobaha ay ka dhacayaan Imtixanaadkaasi ayaa ku kala yaalla Gobollada Dalka:-

* Gobalka Banaadir 56 Xarumood.

* Beledweyne 5 Xarun.

* Baydhaba 3 Xarun.

* Cadaado 2 Xarun.

* Galkacyo 2 Xarun.

* Afgooye 1 Xarun.

* Kismaayo 1 Xarun.

* Cabudwaaq 1 Xarun.

* Jowhar 1 Xarun.

* Guriceel 1Xarun.

* Buulo Burde 1 Xarun

* Dhuusomareeeb 1 Xarun

* Balcad 1 Xarun.

Jadwalka Imtixaanaadkaasi:-

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here