Muqdisho (Sh M Network)–Taliska Ciidanka Militariga Soomaaliyeed ayaa sheegay ku dhawaad labo kun oo Askari in laga saaray Magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo amaanka Caasimada Soomaaliya.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, Jen. C/laahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu tilmaamay in Kumanaanka Askari ee laga saaray Muqdisho la geeyay Xerooyin Ciidan oo ku yaalla Gobolka Sh.Hoose

Jen. Caanood ayaa carabka ku dhiftay in Ciidamadan ay ku jiraan kuwii dhawaan sameeyay gadoodka, waxuuna tilmaamay in haatan ay ku sugan yihiin Xerada Ciidamada ee Balidoogle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in Ciidamada militariga ee la daabulay ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Abaanduulaha Ciidamada Xooga Soomaaliya, Jen. C/laahi Cali Caanood ayaa cod dheer ku sheegay in la qaaday howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here