Ku dhawaad 5 Caruur ah oo ku dhintay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)—Ugu yaraan Ruux oo caruur ah aya siyaaabo kala duwan ugu dhintay Degmooyinka Boondheere iyo Wadajir kadib markii halkaasi ay ka da’een roobab xoogan saacadihii la soo dhaafay.

Labo Caruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Degmada Boondheere kadib markii Daad xoogan oo ka dhashay roobabkaasi ay ku fataheen hooygooda.

Cunaga 3-aad ayaa isna lagu soo waramayaa in uu ku dhintay Xaafada Buulo-Xuubeey ee Degmada Wadajir, maadaama isaga iyo Qoyskii ay ku sugnaayeen Guryo ka sameysan cooshado.

Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa da’ayay roobab xoogan oo Dadka iyo Duunyad ay ku diirsadeen balse waxaa xusid mudan in saameyn ballaaran uu ku yeeshay qoysaska barakacayaasha ee ku sugan gudaha iyo Duleedka Magaalada Muqdisho.

 

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo