Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst -- and most neglected -- in Africa. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)

Baydhabo (Sh M Network)—Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo ka dhan ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab laga fulin doono Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo badan, islamarkaana ay u diri doonaan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday Dagaal xoogan oo dhawaan ka dhacay Degaanka Goofgaduud oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Xasan wuxuu xusay in Al Shabaab laga saari doono Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sikastaba, Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro ka geysta Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose oo uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here