Muqdisho (Sh M Network)—Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta barito ah ku wajahan Magaalada Riyaadh ee Caasimada Dalka Sacuudiga.

Mudane Farmaajo ayaa Magaalada Riyaadha kaga qeyb gali doona Shir halkaasi ay ku leeyihiin Madaxda Wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxuu noqonayaa kii 8-aad oo uu uga ambabaxo Dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Madaxweynaha Mareykanka ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here