Malaaq Cali Malaaq Cabdi oo si adag uga soo hor jeestay Madasha Hor U Socod

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Malaaq Cali Malaaq Cabdi Malaaq Maxamed ayaa ka soo horjeestay Madasha la Magac baxday Hor U Socod.

Waxa uu sheegay Malaaq Cali Malaaq Cabdi in Madashaasi tahay mid bur burineysa Rajada Shacabka ee dowlad Awood leh oo ka hana qaada Geyiga Soomaaliya.

Sidoo kale Malaaq Cali Malaaq Cabdi  Malaaq Maxamed ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladda Soomaaliya haatan aysan u baahneen Dhaliil ayna ka waantoobaan xubnaha Madashaasi abaabulka ka dhanka ah Dowladda Cusub ee ay wadaan.

Ugu dambeyn ayuu Malaaqu xusay in loo baahan yahay in  la helo shuruuc kala duwan oo kala haga hay’adaha dowladda islamarkaana gacan bir ah ku qabanaya ciddii caqabad ku ah Horumarka Dowladda Soomaaliya.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo