Qaramada Midoobay oo sheegtay in Inkabadan 30 kun Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ka soo noqdaan Colaada Yemen

0

Sanca ( Sh.M.Network)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in inta badan Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku soo laabanayaan Dalkooda sababo ku aadan colaadda Dalkaas ka aloosan.

Waxa ay sheegtay Wakiilku in inkabadan 30 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku laabteen haatan Dalkooda kuwaas oo ku sugnaa Yemen.

Dadkaas ayaa ka mid ahaa 255 kun oo Qaxooti ah kana dhigan 91% Cadada Qaxootiga ku nool Yemen.

Walow Yemen ay tahay Dalka kaliya ee Carbeed ee Aqbalay dib u dajinta Qaxootiga ee ka tirsan Dalalka La isku Yiraahdo Jasiiradda Carabta hadana waxaa muddooyinkii dambe Ragaadiyay Colaado xoogan.

Afhayeen u hadlay Wakiilka Arrimaha Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka caawiyeen 10 kun oo Soomaali ah dib ugu laabashada Dalkooda.

Waxaana uu intaas ku daray in ay isi soo tarayaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen kuwaas oo Qaramada Midoobay ka dalbanaya in ay ka taageerto dib ugu  celintooda Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo