Muqdisho ( Sh. M. Network)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Inkabadan 23, 000 oo Arday Soomaaliyeed ah ayaa maanta u fariistay Imtixaankaas , waxaana loo diyaariyay 77 Goobood oo  lagu qaadayo Imtixaankaasi kuwaas oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa maanta ka qeybiyay Warqadihii ugu horreeyay ee Imtixaankaas Iskuulka 15-May ee degmada Warta Nabadda Gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay in ay diyaariyeen 77 Kormeerayaal 1400 Barayaal ilaalinaya Imtixaanka iyo Ciidamo Suga Ammaanka Goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kaga Mahad celiyay Wasaaradda Waxbarashada howsha ay u heyso Bulshada Soomaaliyeed isagoo kula dar daarmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada in la hubiyo Tayada Waxbarasho ee Dalka si loo soo saaro Arday lagu Kalsoonaan karo Aqoontooda.

Waa Sanadkii 3aad oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo si isku mid ah inta badan Ardayda Gobollada Dalka looga qaadayo.

 

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here