Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada ayaa ka da’ay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Sh M Network)—Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada ayaa saacadihii la soo dhaafay waxey ka da’een Magaalada Muqdisho.

Daadad ka dhashay roobabkaasi ayaa jiray qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho,  waxaana daadadkaasi qaarkood ay fataheen Guryo ku yaalla Xaafada Siigaalle ee Degmada Hodan.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in saameyn xoogan uu ku yeeshay roobabkii Xalay.

“Alle ayaa wax og, majiro cid seexatay, biyo badan ayaa guryaha nagu soo galay”, sidaasi waxa tiri Haweeney la hadashay Idaacadda Shabelle.

Ugu dambeyn, waxaa ay ku baaqeen in gurmad deg deg ah loo saameeyo maadaama guryihii ay daganaayeen ay buuxdhaafiyeen biyo badan.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo