Muqdisho (Sh M Network)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxuu sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo Xuquuqda ka maqan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Mudane Kheyre ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu ka sheegay in xuquuqda ka maqan Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir lagu heli karo midnimo.

“Hadii la helo midnimo waxaa xaqiiq ah in la helayo wax waliba oo xuquuq ah oo ka maqan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir”, sidaasi waxaa yiri RW Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka in ay u midoobaan sidii ay u heli la haayeen Xuquuqda ka maqan Shacabka Gobolka Banaadir.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here