Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ku tilmaamay qaswadeyaal Xildhibaano wada abaabul

0

Muqdisho (Sh M Network)—Siyaasyiin Soomaaliyeed oo caan ka ah Gudaha Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay Madasha La Magac baxday hor u socod .

Ex Xildhibaan Daahir Cirro ayaa sheegay in Madashaasi tahay mid ay aasaaseen dad Maslaxad Gaaban oo uu sheegay in Danahooda Gaarka ah ay ka waayeen Dowladda Cusub, waxaana uu ku baaqay in Maxkamad la soo taago.

Dhinaciisa Ex Xildhibaan Xasan Keynaan ayaa ku tilmaamay Madasha Hor u socod shaqsiyaadka ku bahoobay in ay isugu jiraan kuwa Dhaqaalo iyo Xil Raadis ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Baasto oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in Fasaxa la siiyay xildhibaanada meeshii la doonayay in dhibka umadooda ay kula qeybsadaan ay u soo maleegaan dhibaato dowladda Soomaaliyeed ee rajada laga qabay lagu duminayo.

Ugu dambeyn Ex Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dastuurka Soomaaliyeed wax laga badalo hadii la rabo in Xildhibaanada marwaliba aysan is-hortaag ku sameyn shqada Xukuumadda.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo