Abu Dubai (Sh M Network)—Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiim Dahir ayaa magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaradka kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi, Maxamed Khalfan Al-rumathi.

Labada Taliye ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii iskaashi iyo wada shaqayn uga yeelan lahaayeen, arimaha Ciidan ee labada dhinac.

Kulanka ayaaawaxaa goob joog ahaa safiirka imaaradka ee Soomaaliya Cabdulqaadir Sheikh Alhatimi oo qayb ka ah ssaraakiisha rug cadaaga ah ee dalka imaaradka, oo ka hadlay in ay muhiim tahay in ay taageero ay siiyaan booliska Soomaaliya, iyagoo ka caawinaya agabka ay ku howlgalaan iyo sidi ay uga qayb qaadan lahaayeen xoojinta laanta danbi barista.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiim ayaa booqday kulanka ka dib waaxda danbi barista ee booliska imaaradka, waxuuna u kuurgalay qaabka ay u shaqeydo iyo qalabka casriga ah ee loo isticmaalo.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here