Muqdisho (Sh M Network)—Wararka laga helayo shaqaalaha ka shaqeeya wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ayaa sheegaya in wasaarada ay soo food saartay oo ay dhex maquuraneyso musuq maasuq kadib intii uu xilka la wareegay wasiirka cusub Saalax Axmed Jaamac.

Shaqaalaha Wasaarada ayaa waxaa soo food saaray cabsi weyn oo uga imaaneyso wasiirka cusub taasoo ku saleysan cay, hadal xumo, su’aalo qaloocan iyo bahdilaad uu wasiirka Saalax Axmed Jamac kula dhaqmo, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo. Shaqaalaha oo muddo sanado ah kasoo shaqeynayay ayaa tibaaxay in ujeedka ugu weyn ee uu leeyahay Wasiir Saalax ay tahay in uu meesha ka ceyriyo shaqaalaha usoo dhaber adeegay dowladda gaar ahaan wasaarada shaqada.

Saalax Axmed Jaamac ayaan si joogta ah usoo xaadirin wasaarada waxaana uu tagyaa hal maalin usbuucii asaga oo la sheegay in uu ku mashquulsan yahay sidii u ugu shaqaaleysiin lahaa wasaarada dad isaga u shaqeeya kuwaas oo uu isticmaalo sidii uu u lunsan lahaa dhaqaalaha wasaarada soo gala.

Idaacada Shabelle waxaa ay soo bandhigeysaa oo ay diirada ku saareysaa dhibaatada ay ku qabaan shaqaalaha wasaarada shaqada oo la sugaayay in ay noqdaan kuwa ugu wanaagsan shaqaalaha dowladda marka loo eego dhinac ku xurmeynta shaqada.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here